TALOOYIN MUHIIM AH OO KU SAABSAN, LA DHAQANKA DADKA IYO ILAALINTA DAREENKA DADKA KALE.


Maxaad ku dari lahayd adiga?. 


1. Hadii aad qof telifoonka ka garaacdo oo uu kaa qaban waayo, haku celin islma markiiba, waxaa laga yaabaa inuu mashquul yahay ama uusan dooneyn inuu kula hadlo.


2. Marka uu qof telifoonka kaa tuso sawir, iska ilaali inaad sawirada ku xiga fiiriso oo aad farta ku badasho. 


3. Waligaa ha dalban cunto qaali ah marka qof uu kugu casuumo hotel VIP ah.


4. Suaalaha maalaayacniga ah dadka ha weydiin, sida: Maxaad u guursan weyday, Iyo Wali ma halkii baad ka shaqeysaa iyo waxyaabaha dadka ay dhibsanayaan.


5. Hadii aad albaab galayso qofka kaa dambeeya haku xidhin ee ka haay inta uukusoo dhaafaayo.


6. Hadii qof aad isla socotaan uu maanta lacagta baska bixiyo, berito adiga isku adkeey inaad bixiso oo kaga horeey


7. Ixtiraam oo tixgelin sii aragtidda dadka kale, waxaa laga yaabaa wax aad adigu 6 u aragtay inay iyagu 9 u arkaan, markasta aniga saxsan iska ilaali.


8. Waligaa qof hadlaya hadalka haka qasin, oo haka dhexgalin. dhagayso oo marka ay dhamaystaan waxa aad dooneyso dheh.


9. Hadii aad qof la kaftamayso oo aad aragto inaysan ku faraxsanayn ka jooji mardambe hakala hadlin arimahaas oo kale.


10. Hadii uu qof ku caawiyo markasta u mahadceli.


11. Iska yareey calaacalka iyo dhaleeceynta dadka aan awooda u lahayn in arinta aad ka calaacalayso ay wax ka qabtaan, sida waardiyaha ama askariga ama qofka secretaryga ah, iyagu shaqadooda ayuunbay qabsanayaan waxna kuuma qaban karaan.


12. Dadka miisaankooda wax haka sheegin, sida “waad buurantahay” iyo “miisaanka maad iska dhintid”, kaliya waad nuureysaa ha u dhaafin. 


14. Hadii aad qof wax ka amaahato, u celi qofkaas lacagtiisa inta uusan kusoo weydiin. 


15. Hadii qof uu ku yidhaahdo dhaqtar baan tagayaa balse uusan kula wadaagin sababta ha weydiin ee kaliya u duceey inuu Ilaahay kheyr ugu soo dhameeyo.


16. Dadka kula shaqeeya sida kuwa kaa hooseeya ee ka shaqeeya nadaafada, iyo waardiyaha ka shaqeeya markasta salaan oo warayso xaaladahooga, balse ha iska dhaafin uun 


16. Hadii uu qof kula hadlayo, Telifoonka ha ku mashquulin.


17. Talooyinka aan lagu weydiisan ee sandulada ah iska daa, qofka hadii uu talo ku weydiisto uun sii talo.


19. Hadii qof da’diisa kuusheego ha dhihin waad is yaraynaysaa. 


20. Dadka ha uga sheekeyn barwaaqadaada iyo hantidaada iyo waxa aad soo iibsatay adigoo og xaaladoodu inaysan dhaqaale ahaan wacneyn.

Post a Comment

0 Comments