Farmaajo oo shaaciyey xogta askartii la geeyey Eritrea iyo Xasan oo jawaab bixiyey


 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan askartii loo qaaday wadanka Eritrea.

Farmaajo ayaa ka sheegay xil wareejinta in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea, ayna diyaar yihiin.

Madaxweynihii hore ayaa xusay ciidamadaasi ay gaarayaan  illaa 5,000 oo askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse ay dib u dhigeen doorashada darteed.

“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Post a Comment

0 Comments