Dowlada somalia oo magacowday gudoo miyaha bankiga dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee dalka u magacowday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Go’aankan ayaa yimid kadib muddo ay dowladda wadday raadinta qofkii noqon lahaa agaasimaha cusub, ayada oo sidoo kale dadka xilkan u tartamayey ay ku jireen kuwa aan Soomaali ahayn.
Go’aankan ayaa sidoo kale meesha ka saaraya hadal-hayn muddo suuqa ku jirtay oo ahayd in xilkan loo magacaabayo nin ajnabi ah kadib markii waxa laga beddelay xeerka diidaya in qof ajnabi ah uu xilkan qabto.
Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu khibrad wanaagsan u leeyahay maamulka maaliyadda iyo bankiyada.
Cabdiraxmaan ayaa labadii sano ee ugu dambeysay waxa uu la-taliye sare oo dhinaca siyaasadda dhaqaalaha u ahaa xafiiska ra’iisul wasaraaha iyo dowladda.
Waxa uu sanadii 1986-kii ka shaqeeyey qeybta dakhli ururinta ee wasaaraddii maaliyadad Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muddo 20 sano  shaqooyin la xiriira maaliyadda dalalka UK, Norway, Yemen iyo Geeska Afrika.

Post a Comment

0 Comments